Deeq A. Posted April 19, 2020 Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal khasaare geystay oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa u dhexeeyey labo maleeshiyo beeleed, wuxuuna ka qarxay deegaan lagu magacaabo Fadhigaab oo ka tirsan gobolkaasi. Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay dagaalkaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, sida Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in labada maleeshiyo beeleed ay isku hayaan arrimo la xariira dhul-daaqsimeed. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana lagu soo warramayaa inay weli is-horfadhiyaan maleeshiyaadka labada dhinac. Inta badan waxaa gobolka Sanaag, gaar ahaan agagaarka degmada Ceel-Afweyn ku soo laa-laabta dagaal beeleedyo u dhexeeyo maleeshiyaad wada daga halkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites