Deeq A. Posted April 19, 2020 Taliyaha hoggaanka ilaalinta canshuuraha Cabdullaahi Xasan Bariise oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada ammaanka dowladda ay gacanta ku dhigeen Qaad far badan oo uu tilmaamay in si sharci darro ah lagu soo galiyey dalka. Bariise ayaa shaaciyey in Qaadkaasi lagu keenay doon ku soo xiratay dekadda Ceel-Macaan ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in Jaadkaasi ay qabteen ciidamada milatariga qeybta 27-aad, islamarkaana ay ku soo wareejigeen Booliska Soomaaliyeed. Ugu dambeyn taliyaha hoggaanka ilaalinta canshuuraha ayaa hoosta ka xariiqay in Qaadkaasi la gubay, maadaama ay dowladda horay u mamnuucday keenistiisa. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/ddd-2.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites