Deeq A. Posted April 19, 2020 Siciid deni hoggaamiyaha maamulka Puntland oo sameeyay magacaabis ayaa waxa uu taliye ku xigeenka qeybta booliska gobalka Karkaar u magacaabay Gaashaanle sare Jaamac Cismaan Axmed. Haddaba halkaan ka akhriso magacaabista uu sameeyay madaxweyne Deni Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni , ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 33 ee 19ka April, 2020, ku magacaabay Taliye ku xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Karkaar. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gelinta Amniga Gobolka Karkaar. Markuu arkay: Aqoontiisa, kartiisa iyo waayo-aragnimadiisa Ciidannimo. Wuxuu xeeriyey: Waxaa G/sare Jaamac Cismaan Axmed loo magacaabay Taliye ku xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Karkaar. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites