Sign in to follow this  
Deeq A.

Rag hubeysan oo dhac iyo dhaawac ka geystay Sh/Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen gaari Hoomey ah oo ay la socdeen dad shacab ah, xilli ay ku socdaalayey deegaan ku yaalla duleedka magaalada Jowhar ee xarunta gobolkaasi.

Rasaasta ay fureen kooxda burcada ah ayaa la sheegay inay waxyeelo ka soo gaartay laba qof oo la socotay gaarigaasi oo caano u soo siday Jowhar.

Sidoo kale ragga falkaan ka dambeeyey ayaa dhac baasan u geystay dadkii rakabaabka ahaa ee saarnaa baabuurka la rasaaseeyey.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyey, sida ay wax u dhaceen.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/ddd-1.mp3

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this