Deeq A. Posted April 19, 2020 Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen gaari Hoomey ah oo ay la socdeen dad shacab ah, xilli ay ku socdaalayey deegaan ku yaalla duleedka magaalada Jowhar ee xarunta gobolkaasi. Rasaasta ay fureen kooxda burcada ah ayaa la sheegay inay waxyeelo ka soo gaartay laba qof oo la socotay gaarigaasi oo caano u soo siday Jowhar. Sidoo kale ragga falkaan ka dambeeyey ayaa dhac baasan u geystay dadkii rakabaabka ahaa ee saarnaa baabuurka la rasaaseeyey. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyey, sida ay wax u dhaceen. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/ddd-1.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites