Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Qaad Muqdisho laga soo gelinayey xeebaha oo gacanta lagu dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan qeybta 27-aad ayaa maanta dekadda Ceel Macaan ee gobolka Shabelleeda Dhaxe ku qabtay doon siday qaad la doonayey in lasoo geliyo Muqdisho.

Doonta siday qaadka ayaa la sheegay in ay soo martay xeebta Cadale, waxaana la sheegay in markii ay ku guul darreysatay in Cadale ay ku dajiso qaadkii ay waday, ay soo aaday dhanka xeebta Ceel Macaan.

Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka, Jeneraal Axmed Maxamed Maxamuud ayaa sheegay,in qaadka la doonayo in qaab sharci darro ah lagu soo geliyo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Taliyaha ayaa waxa uu shegay in qaadkan, ay maanta qabteen ay ku wareejiyeen Ciidamada Booliska Soomaaliya, taas oo ay ku amreen madaxda dawlada sida uu sheegay taliyuhu.

Taliyaha hoggaanka ilaalinta canshuuraha Cabdullaahi Xasan Bariise oo goobta ka hadlay, ayaa sheegay in uu digniin u dirayo ganasatada Soomaaliyeed oo ah in aysan hantidooda iska gelin qaadka, isla markaasina waxa uu sheegay in Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ay mar walba la dagaalami doonaan cid kasta oo damacda in ay dalka qaad soo geliyaan.

Caasimada Online ayaa horey xog uga qortay in qaadka ay joojisay dowladda weli uu doomo uga dago Xeebaha Jazeera, Ceel-Macaan iyo kuwa kale ee duleedka Muqdisho.

FB_IMG_1587288804110.jpg FB_IMG_1587288799209.jpg FB_IMG_1587288794790.jpg FB_IMG_1587288792476.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this