Deeq A. Posted April 19, 2020 Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada dhulka ee Xoogga Soomaaliyeed Cabdixamiid Maxamed Dirir oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyey howlgal qorsheysan oo ciidamada dowladda ay ka sameeyeen gobolka Sh/Hoose. Taliyaha ayaa carabka ku dhuftay in ciidamada ammaanka ay howlgalkaasi ku soo qabteen sarkaal sare oo ka tirsanaa Xarakada Al-Shabaab iyo xubno la socday. Ma shaacin taliyaha ciidanka dhulka magaca sarkaalkaasi, balse wuxuu hoosta ka xariiqay in ahaa madaxii Zakawaadka Al-Shabaab ee gobolka Shabeelah Hoose. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in lala qabtay illaa 7 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii u dambeeyey ciidamada dowladda Soomaaliya ay dhaq dhaqaaqyo ka wadeen duleedka deegaanka Janaale ee gobolkaasi. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka koxoda Al-Shabaab oo la xariira howlgalkaasi. Shabeelaha Hoose oo ay weli ku xoogan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa waxaa inta badan ka socda howlgallo ay ka wadaan ciidamada huwanta ee jooga gobolkaasi. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/04/cOD-1-DAGAAL-.mp3 Share this post Link to post Share on other sites