Deeq A. Posted April 19, 2020 Cabsi xoogan oo laga qabo inuu fatahaad sameeyo wabiga Shabelle ayaa lagu soo warramayaa inay ka taagan tahay deegaano ka tirsan gobolka Sh/Dhexe. Dadka deegaanka ayaa wal-wal ka muujinaya in markale wabiga uu sameeyo fatahaad hor leh, kadib markii saacadihii la soo dhaafay Roobka Guga uu ka da’ay gobolkaasi. Meelaha sida weyn cabsida looga dareemayo waxaa ka mid ah degmada Jowhar, gaar ahaan xaafadda Horseed oo la dhigay jawaano caro ah, si looga hortago fatahaada. Sidoo kale waxaa halkaasi booqday mas’uuliyiin iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka HirShabelle oo ku baaqay in la sameeyo dadaallo looga gaashaamanayo fatahadaasi. Inta badan wabiga Shabelle ayaa xilli Roobaadyada fatahaad xoog leh ka sameeya gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites