Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabsi xoogan oo ka taagan magaalada Jowhar, kadib Roobab ka da’ay

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Jowhar ayaa sheegaya in degamadaasi ay ka taagan tahay cabsi laga qabo inuu fatahaad ka sameeyo wabiga Shabelle.

Dadka deegaanka, gaar ahaan kuwa degan xaafadda Horseed ayaa wal-wal ka muujinaya in wabiga Shahabelle uu sameeyo fatahaad hor leh, kadib markii saacadihii la soo dhaafay Roobka Guga uu ka da’ay gobolka Sh/ Dhexe.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa bilaabay inay jawaano caro ah dhigaan halkaasi, si looga hortago fatahaada laga cabsi qabo inuu sameeyo wabiga.

Mas’uuliyiin uu ka mid ah yahay wasiir ku xigeenka wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee dowlad goboleedka HirShabeelle Xildhibaan Maxamed Bashiir Qaarim Daqare ayaa ka mid ah dadka wax ka dhigay Jawaanada ciida oo dadka deegaanka ay uga hortagayaan fatahaada, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in la qaado tallaabo deg-deg ah.

“Laga soo bilaabo Deefoow Gobolka Hiiraan illaa Degmada Balcad oo Shabeelaha Dhexe ah waxaa ku dhex jira goobo laga cabsi qabo in uu karkaarada ka jabsado Wabiga Shabeelle waana 59-meel, mana jiraan Hay’ado u diyaarsan in ay wax ka qabtaan oo si deg deg ah uga jawaaba cabsida dadka deegaanka” ayuu yiri wasiir Maxamed Bashiir.

Inta badan wabiga Shabelle ayaa xilli Roobaadyada fatahaad xoog leh ka sameeya gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this