Deeq A. Posted April 19, 2020 (SLT-Hargeysa)-Hay’adda Lacagta Adduunka ee magaceeda lo soo gaabiyo (IMF) ayaa sheegtay inay siin doonto $ 11 bilyan 32-ka dal ee ka hooseeya Saxaraha Afrika, kuwaas oo codsaday caawimaad si aay ula dagaallamaan cudurka halista ah ee Corona Virus, kaasi oo sameen ballaadhan ku yeeshay dhaqaalaha wadamada soo koraya. Dowladda Galbeedka Afrika ayaa kudalbatay taageero bulsho iyo mid dhaqaale oo gadheeysa 1.7 tirilyan oo u dhiganta ($ 2.8 bilyan), si ay hortag ugu sameyaan xanuunkan halista ah. Dhibatooyinka uu sababay COVID 19 waxaa ka mid ah hoos u dhigida canshuuraha shirkadaha iyo ganacsiga yar yar iyo dhimista kharashka sanadlaha ah ee wadamada taagta daran. Wadanka Ivory Coast ayaa kamida dalalka qaaradda Africa dhaca ee uu saameyey Xanuunka Covid-19, waxaana uu diiwaangaliyey 688 qof oo qaba Cudurkan, halka 193 kamida ay kasoo bogsadeen, waxaana u geeriyooda Fayruskan 6 qof. Source Share this post Link to post Share on other sites