Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada dowladda oo la wareegay deegaano cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay la wareegeen deegaano hoostaga degmada Diinsoor ee gobolkaasi.

Ciidamada oo qaaday howlgallo qorsheysan ayaa gaaray deegaanada Bandhuub iyo Biilane oo ay horay ugu sugnaayeen dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab.

Qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in u jeedka uu yahay, sidii Al-Shabaab looga saari lahaa gobolka Baay.

Xaaladda ayaa saaka ah weli mid kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayo duleedka degmada Diisnoor ee gobolkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this