Sign in to follow this  
Deeq A.

AMISOM oo ka tacsiyeysay geeridii Xildhibaan Aadan Jamhuuriya

Recommended Posts

Deeq A.   

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM ayaa looga tacsiyadeeyey geerida Allaha u naxariistee Xildhibaan Aadan Cali Xasan (Jamhuuriya) oo ka tirsanaa mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Qoraalka ka soo baxay taliska AMISOM ayaa si gaar ah loogu tacsiyadeeyey dowladda federtaalka Soomaaliya, golaha shacabka ee baarlamaanka JF, Ummadda Soomaaliyeed iyo qoyska uu ka baxay Allaha u naxariistee Maruuxm Aadan Cali Xasan (Jamhuuriya).

Sidoo kale AMISOM ayaa war-saxaafadeedka ay soo saartay ku xustay in Xildhibaanka oo ahaa xoghayaha guddiga maaliyadda ee baarlamaanka uu door wanaagsan ka soo qaatay arrimaha horumarinta ee dhalinyarada.

Si kastaba ha’ahaatee Xildhibaanka geeriyooday ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey ku xanuusanayey magaalada Muqdisho, waxuuna uu la’ il darnaa xanuunka macaanka,

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this