Deeq A. Posted April 19, 2020 Qodabada saakay ugu waa weyn warka subax ee GoobjoogFM ayaa waxa ay kala yihiin: Ciidamada Dowladda oo deegaanno cusub kala wareegay Xarakada Alshabab. Tala-bixiyaha caafimaad ee COVID 19, Dr Maxmed M Cali Fuje, ayaa bulshada Soomaaliyeed kula taliyay inay qaataan talooyina caafimaad ee qaybta ka qaadanaya xakameynta faafitaanka CORONA. Tiftaraha Goobojoog oo Talaaladii lagu xiray Muqdisho oo dib u helay xorrriyaddisa. Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Somaliya ayaa shaacisay in labo ruux ay u dhinteen Coronaviras 19 kalana uu soo ritey. Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, ayaa Sheegay in dowladdu ay bedeshay qaabkii loo aasi jiray dadka u geeriyooda COVID-19. Madaxweynaha Galmudug oo magacaabis cusub sameeyay. Haddaba, halkaan ka dhageyso qodobadaasi oo intaas ka faahfaahsan, waxaana soo jeedinaysa Maariya Haarliin https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/04/saakay-iyo-goobjoog-19-04-2020.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites