Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada DF oo howlgallo kula wareegay deegaano ku yaalla gobolk Baay

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ayaa waxaa laga helayaa howlgallo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed saacadihii la soo dhaafay ay ka sameeyeen deegaano hoos-yimaad degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa ciidamada huwanta ay kula wareegeen deegaanada Bandhuub iyo Biilane oo ay horay ugu sugnaayeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan milatariga oo la hadlay warbaahinta ayaa tilmaamay in u-jeedkooda uu yahay, sidii Al-Shabaab looga saari lahaa halkaasi oo uu tilmaamay inay ku dhibaateeyaan dadka dhacabka ah ee isaga kala gooshayada wadooyinka gobolka Baay.

Dhankiisa guddoomiyaha Diinsoor Cabdi Salaan Xaaji Siidow ayaa sheegay in xilliyada ay soo dhow-dahay bisha Ramadaan ay kooxda Al-Shabaab culeys xoogan soo saarto degmada, balse wuxuu tilmaamay inay wax ka qaban doonaan dhibaatooyinkaasi.

Xaaladda ayaa saaka ah mid kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayo duleedka degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Weli dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa deegaano iyo degmooyin ka heysta gobollada Baay iyo Bakool oo dhaca koonfurta Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this