Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada DF oo 3 qof kala baxay maqaayad ku taalla meel u dhaw Villa Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa shalay galab saddex qof ka kaxeestay maqaayad ku taala agagaarka madaxtooyada Soomaaliya, sida ay noo sheegeen goobjoogeyaal iyo saraakiil kuwa ammaanka ah.

Saddexdaan qof oo laba kamid ah ay ahaayeen shaqaalaha maqaayadda iyo qofka sadexaad oo ah macmiilka maqaayadda lana sheegay inuu ahaa askari dharcad ah ayaa indhaha laga xiray waxaana lagu riday oo lagu kaxeystay gaari ay ciidanka wateen.

Dadkaan ayaa laga qabtay maqaayadda oo ku taala Xaawo Taako, waxaana maqaayadaan sida la sheegay iska leh Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya lamana oga sababta ka dambeysa arrintaan.

Dadka yaqaana labada qof ee maqaayadda ka tirsanaa oo kala ah wiil dhalinyaro ah iyo nin da’a ah ayaa sheegay in ay ahaayeen dad aad wanaagsan oo aan marna laga filan karin xumaan ama dhibaato amni, inkasta oo waxa u qarsan aysan cidna ogeyn.

Sidoo kale macaamiisha maqaayadda ayaa waxaa la yaab ku noqotay xariga dadkaan oo ay yaqaanaan sanado badan balse ma jirto ilaa hada cid faah faahin ka bixisay xarigooda.

Ciidamada dowladda weli kama aysan hadlin sababta loo xiray shaqaalahaan balse xog hoose ayaa sheegaysa in ay dalbadeen in laga war sugo ilaa maanta si ay ugu sameeyaan baaritaano.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this