Sign in to follow this  
Deeq A.

Halkee ayuu ku dambeeyey mashruucii dhismaha jidka MUQDISHO iyo Afgooye?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz, oo wareysi siiyey VOA, ayaa ka hadlay halka uu ku dambeeyay mashruuca dhismaha wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye iyo khasaaraha kasoo gaaray weerarradii ay ku qaadeen Al-Shabaab.

Mashruucaas ayaa dhowr jeer lala beegsaday qaraxyo, waxaana mid ka mid ah qaraxyadaas oo dhacay 28-kii December lagu dilay dad ka badan 90 qof, oo ay ku jiraan kuwa u dashay dalka Turkiga.

Hase yeeshee Mehmet Yilmaz ayaa sheegay in weerarada Al-Shabaab aysan ku guuleysan hadafkooda ahaa inay joojiyaan dhismaha waddada.

“Nasiib darro waxa ay aheyd dhacdo aad u xun oo aan u soo joognay, muwaadiniinteena waxaa la dhintay qaar badan oo ka mid ahaa walaaleheena Soomaaliyeed, kuwa la dilay waxay ka shaqeynayeen dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha ee Soomaaliya, dhacdooyinkaas xanuunka badana wax caqabad ah kuma aysan keenin howshuna si wanaagsan ayey halkii uga socotaa,” ayuu yiri safiirka.

Mehmet Yilmaz ayaa dhinaca kale sheegay in markii uu soo idlaado mashruucan ay mid la mid ah ka billaabi doonaan gobollada kale ee dalka.

Mashruucan ayaa waxaa maal-gelinaya dowladda Qatar, hase yeeshee qandaraaska dhismaha ayaa waxaa ku guuleysatay shirkad Turkish ah.

Weerarkii ugu dambeeyey ee 28-kii December ayaa waxaa dadkii ku dhintay ku jiray laba muwaadiin oo Turkish ah oo ka shaqeynayey dhismaha waddada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this