Sign in to follow this  
Deeq A.

Dr. Fuje oo shaaciyey in hal sabab darteed uu Covid-19 aad ugu faafi karo dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Tala-bixiyaha caafimaad ee COVID-19, Dr Maxmed Cali Fuje, ayaa ka hadlay halista faafitaanka cudurka Coronavirus ee dalka Soomaaliya, oo kiisaskiisa ay kordheen maalmihii dhowaa.

Dr Fuje ayaa bulshada Soomaaliyeed uga digay khatarta iyo saameynta xad dhaafka ah ee cudurkaan sida dhaqsaha ah ku faafa uu ku yeelan karo dalkeenna xilli dunida inteeda badan ay dadaal xooggan ugu jirto cirib tirkiisa.

Waxa uu sheegay in dhaqanka Soomaaliyeed ee ku saleysan is-jaceylka iyo is-dhex-galka uu qayb ka qaadanayo faafitaanka COVID-19, maadaama cudurku uu yahay cudur si sahlan loo kala qaadi karo, waxuuna bulshada ka codsaday in dhaqankaas la bedelo intii lagu guuleysanayo xakameyntiisa.

Dhakhtarka waxuu walaac ka muujiyay kororka xaaladaha COVID-19 oo tusaale u noqon kara in tira badan oo dadka Soomaaliyeed ah uu soo ridan karo,  dalkeennuna uu xudun u noqon karo cudurka, hadii la iska indha tiro saameyntiisa.

Dr Maxmed Cali Fuje ayaa dhamaan dadka Soomaaliyeed kula taliyay inay si wadajir ah u qaataan talooyinka caafimaad iyo ammarrada dowladda ee qaybta ka qaadanaya xakameynta faafitaanka COVID-19, si guul looga gaaro dadaallada naf-badbaadinta ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this