Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoomiyaha baarlamanka maamulka HirShabelle oo loo diiday inuu ka baxo Jowhar

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in madaxtooyada HirShabelle ay joojisay safar uu Muqdisho ku imaan lahaa guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi, Sheekh Cusmaan Barre Maxamed.

Warqad laba cesho ka hor ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha oo lagu joojiyay duulimaadka degaanada HirShabelle ayaa la sheegay in ay aheyd mid lagu hor istaagayay diyaarad ku wajahneed Jowhar si ay usoo qaado guddoomiyaha iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in khilaaf culus u dhaxeeyo madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka oo dhinac ah iyo guddoomiyaha baarlamaanka, khilaafkaas oo sababay in guddoomiyaha laga joojiyay diyaaradii ka qaadi laheyd Jowhar ee geen laheyd Muqdisho.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in shalay cabsi ay ka taagneed dhismaha uu Jowhar ka dagan yahay guddoomiyaha baarlamaanka kadib markii ay tageen ciidamo dheeraad ah oo madaxtooyada ka amar qaata.

Sheekh Cusmaan Barre, ayaa beeniyay in ciidamo la dul dajiyay iyo in laga jartay korantada iyo biyaha balse wararka qaar ayaa sheegaya in cadaadis badan la saaray guddoomiyaha.

Si rasmi ah looma oga waxyaabaha ay isku khilaafeen masuuliyiintaan balse waa khilaaf soo jiitamayay dhowrkii todobaad ee la soo dhaafay kaas oo u muuqda mid ka sii daraya.

Sheekh Cusmaan Barre ayaa dhowr maalmood ka hor xaqiijiyey warar sheegaya inuu xanuusan yahay oo uu karantiil ku jiro madaxweynaha HirShabelle, taasi oo suurta-gal tahay inay kasii dartay khilaafka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this