Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Labada guddoomiye ee BF oo dal kale ku go’doonsan

Recommended Posts

Deeq A.   

Istanbul (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in dalka Turkiga ay go’doon ku yihiin labada guddoomiye ee baarlamaanka Soomaaliya ee kala ah Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Mas’uuliyiintaan oo nasiino iyo shirar siyaasadeed u aaday dalka Turkiga ayaa ka hor inta aysan soo laaban waxaa dalkaas ka bilaawday Covid-19 iyadoo kadibna dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya ay joojiyeen duulimaadyada caalamiga ah.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in mas’uuliyiintaan ay dalbadeen in Xukuumadda Soomaaliya ay u dirto diyaarad soo qaada labada Guddoomiye iyo Xildhibaano badan oo dalkaas ku xayiran.

Xukuumadda Soomaaliya oo kaashaneysa dalka Turkiga ayaa lagu wadaa in dhawaan fududeeyaan soo laabashada mas’uuliyiintaan oo muddo dheer halkaasi ku qaatay sida ay noo sheegeen Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Turkiga waxa uu kamid yahay dalalka uu saameynta weyn ku yeeshay cudurka faafa ee Covid-19, waxa uuna xirtay xuduudihiisa bad, berri iyo cirba waana sababta keentay in mas’uuliyiintaas ay soo laaban waayaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this