Sign in to follow this  
Deeq A.

Dad Kale Oo Soomaaliya Ugu Dhintay Cudurka Coronavirus Iyo Kiisaska Oo Maanta Kordhay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Wasiirka caafimaadka Soomaaliya oo goordhoweyd ka warbixineysay xaaladda Coronavirus ee gudaha Soomaaliya, ayaa sheegtay inay kordheen Kiisaska cudurkaasi ee gudaha dalka, halka dad kalena ay maanta u dhinteen cudurkaasi.

Wasiirka ayaa sheegay in maanta ay soo korodhay 2-qof oo dhimasho ah, midaasi oo tirada guud ee dhimashada dalka ee cudurkaasi ka dhigaysa 7-qof, halka dadka qaba cudurkaasina ay gaaadheen 135-qof, kadib markii maanta ay wasaaradu cudurkaasi ka heshay 19-qof oo cusub.

Wasaarada ayaa maanta baadhay 25-qof, sida ay sheegtay Wasiirada caafimaadku, iyada oo laga helay 19-qof oo kamid ah dadkaasi la baadhay.

Shalay unbay aheyd markii ay wasaaradu shaacisay tiradii ugu badneyd ee muddo 24-saacadood gudahood laga helo cudurkaasi, oo la diiwaan-geliyo, maadama 36-ka qof laga helay, kuwaasi oo ka mid ahaa 47 qof oo shalay cudurka laga baadhay, waana arrin cabsi muujinaysa ah, iyada oo ta maanta laftigeedu uu sareeyo boqoleeyda dadka laga helay cudurkaasi maadama 25-qof oo la baadhay laga helay 19-qof.

Faafitaanka cudurka ee gudaha Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho ayaa ku socoto mid xowli ah oo u muuqata in uu si weyn ugu dhex faafay cudurka bulshada ku nool gudaha magaalada

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this