Sign in to follow this  
Deeq A.

Muwaadinnimada iyo shaqada dawladda ha la is fahamsiiyo !

Recommended Posts

Deeq A.   

Muwaadinnimada iyo shaqada dawladda ha la is fahamsiiyo !

beder-300x168.jpg

Waxyaalaha la yaabka leh ee aan arkay waxa ka mid ah: Qof aad isku meel ka taagnaydeen ka talinta danta dalka iyo dadkaba ayaa xil loo magacaabayaa- heerka uu doono ha ahaadoe- markaas ayaad arkaysaa qofkii oo markiiba is beddelay oo muraayad madow iyo mid cagaaran kala beddelaya!

Qof kasta oo sheega talo, toosin amaba wax dhaliil ah oo xukuumadda ku aaddan waxa uu ku eegayaa il cadow shisheeye oo dalka halis ku ah oo duminaya, haddiise aad ammaanto gar iyo gardarro tay doonto ha ahaatee waxa aad arkaysaa isaga oo muraayad cagaaran kuu xidhay, oo la dhacsan muwaadinnimadaada!

Qofkaasi nasiib darro laba gef oo foolxun oo ka dhashay fahamxumida dawladnimada iyo waddaniyadda ayuu ku dhacayaa:
1) Waxa uu moodayaa shaqada uu dawladda ka helay in lagu marti geliyey wax aanu xaq u lahayn, xaqna loogu leeyahay in uu gar iyo gardarraba ku difaaco cidda uu u fahamsanyahay in uu galladdooda ugu shaqeeyo.
2) Qofkaasi bulshadiisa iyo cidda uu u shaqeynayaba wuu khiyaamaynayaa, bulshadiisa wuu khiyaamaynayaa oo in uu iyaga shaqaale u yahay isumaba arko, ee iyaga ayuu ka waardiyeynayaa xaqii ay lahaayeen!

Waxa uu khiyaamaynayaa cidda shaqada u diratay oo wejibuuxin ayuu kula shaqeynayaa ee kula shaqeyn maayo daacadnimo iyo naseexo dhab ah.

Sideedaba wax waajib ah in muwaadinku barto xuquuqda aasaasiga ah ee muwaaddinnimada.
Qofka shacabka ah iyo qofka masuulka dawladeed ahi waxa ay leeyihiin xuquuq isku mid ah, waxa ay ku kala duwanyihiin kan masuulka ahi isagaa u xilsaaran in uu xuquuqda muwaadinka ilaaliyo, waa adeege u taagan fulinta danta shacabka.
Masuuliyaddu waa xil ee ma ah xuquuq, in aad xilhaysana kama dhigna in aad dadka kale dalka ka xigto, ta liddigeeda dheef la wada lahaa ayaad keligaa haystaa, haddaad jid sax ah oo xalaal ah ku heshay, isla markaana ku shaqeysay waad ku mahadsantahay, xisaabtanna waa kuu danbeeyaa, haddaad musuqmaasuq iyo qaraabkiil/garabation ku heshayna ciqaabteeda sug, haddaad masuuliyaddaa si xun u adeegsatayna kaba sii daran.

Isa siinta waxa la wada leeyahay iyo ku takrifalka awooddu waa waxa keenaya in ay dadku noqdaan mid aargoosi ku jira iyo mid fursaddii aargoosiga raadinaya, dhaqanka noocaas ahina weligii ma abuurikaro isku duubni bulsho iyo dawladnimo hana qaadda.

Hay’adda shaqaaluhu ha ku wacyigeliso shaqaalaha dawladda in muwaadinku xaq u leeyahay in uu shaqo dawladeed helo, taasina aanay ahayn mid uu xaqiisa xorrayeed ku waayayo, isla markaana aanay u soo kordheynnin muwaadinnimo markii hore naaqis ka ahayd.

Dr-Abdulqani Hussein Beder

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this