Deeq A. Posted April 18, 2020 Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa shaacisay in tiradda kiisaska Coronavirus ee dalka ay gaartay 135 qof. Tiradda kiisaska cusub ee maanta soo kordhay ayaa gaaraya 19, sidda ay shaacisay Fowzbiya Abiikar Nuur, wasiirka wasaaradaas. Fowziya oo wariyeyaasha la hadashay ayaa xustay in bukaanada cusub ay kamid yihiin 25 qof oo caabuqa laga baarey maanta oo Sabti ah. Tiradda kiisaska ayaa shalay ahayd 116 kadib markii ay soo kordheen 36 xaaladood. Khamiistii waxay tiradu ahayd 80. Sidoo kale, wasiir Fowziya ayaa daboolka ka qaadey in dhimashadda ay gaartay todoba. Shalay waxay gaareysay lix. Sikastaba ha ahaatee, waxaa muuqaneysa in cudurka uu si aayar ugu faafayo caasimadda, waxaana Fowziya ay dadka ugu baaqdey in ay taxadaraan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites