Sign in to follow this  
Deeq A.

Afar gabdhood oo lagu kufsaday Sh/Hoose iyo mid ka mid ah oo u geeriyootay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa faah-faahino dheeraad ah laga helayaa kufsi saacadihii lasoo dhaafay gabdho aad u da’ yar loogu geystay inta u dhexeysa deegaanada Yaaqbariweyne  iyo Leego ee  gobolka Shabeellada Hoose.

Falkaas waxaa geystay kooxo burcad ah oo jidgooyo ay u taalay wadada xariirisa deegaanadaas, waxaana la sheegay in gabdhahaas ay kala degeen gaari ka baxay Muqdisho kuna sii jeeday gobolka Bay, gaar ahaan magaalada Baydhaba.

Gabdhaha gaariga lagala degay kadibna la kufsaday tiradoodu waa afar qof, waxaana la sheegay in markii dambe ay geeriyootay mid kamid ah oo 13-sano jir aheyd.

Seddaxdii kale ayaa haatan lagu dabiibayaa isbitaalka magaalada Baydhaba ee gobolka Bay, sida ay noo sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Guddoomiye ku-xigenka  amniga iyo siyaasada ee maamulka gobolka Shabeellada Hoose, Cabdi Axmed Yuusuf, ayaa sheegay in baaritaan ku socda arrintaas uu meel gabagabo ah marayo, isla markaana uu dhawaan maamulku kasoo saari doono warbixin dhameystiran.

Sidoo kale masuulkan ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan qaar ka mid ah ragii geystay falkaas, halka intii kalena ay ku daba jiraan.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa aad u batay kufsiga laga soo werinayo gobolka Shabeellada Hoose, waxayna dhacdooyin nuucaan oo kale ah horay uga dhaceen magaalooyinka Afgooye iyo Janaale oo tacadiyo loogu geystay gabdho Soomaaliyeed oo aad u da’ yar.

Dowladda Soomaaliya oo kol sii horeysay ka hadashay kufsi laba gabdhood oo aad u da’ yar loogu geystay degmada Afgooye ayaa sheegtay in falalka nuucaas oo kale ah ay maal geliyaan hey’ado caalami ah, balse ma cadeyn waxa ay yihiin hey’adahaas iyo sababta ay wax uga qaban la’dahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this