Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Gurbiye oo dib u helay xoriyadiisa iyo Abuujaa oo weli u xiran Dowladda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye ayaa goordhoweyd dib u helay xoriyadiisa muddo Shan cisho ah oo uu ku xirnaa magaalada Muqdisho, kadib markii ay saaka Madaxtooyada Soomaaliya ay iska fogeysay inuu Madaxweyne Farmaajo u xiran yahay wariyahaasi.

Wariye Gurbiye oo Agaasime kuxigeen ka ah warbaahinta Goobjoog Media Group ayaa la xiray 14-kii April, maalin kadib markii uu bartiisa Facebook uu ku baahiyay in Madaxweyne Farmaajo uu qaatay Mashiinka neefta siiya sanbabada marka ay shaqada gabaan ee loo yaqaano ‘Ventilator’ oo hore loogu deeqay Isbitaal Martiini.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa hore iskaga fogeysay in Gurbiye u xirnaa Farmaajo, xili ay Warbaahinta uu ka tirsanaa ay sheegtay inuu u xirnaa Madaxweyne Farmaajo, Midaasi oo shaki gelinaysa in Xeer ilaalintu ay si iskeed ah dacwad ugu soo oogtay Wariye Gurbiye.

Dhinaca kale, Wariye Maxamed Cabdiwahaab Abuujaa oo kamid ah Wariyeyaasha ka howl-gala Muqdisho ayaa isaguna xiran muddo ku siman 31-cisho, iyada oo la sheegayo inuu u xiran yahay dowladda xili uu baahiyay faallo la xiriirta dhaca ay ciidamada dowladdu ka geystaan magaalada Muqdisho.

Abuujaa ayaa faaladaasi uu ku soo bandhigayo dhaca ay ciidamada ka tirsan dowladdu ay u geystaan shacabka ku nool magaalada Muqdisho, uu baahiyay 26-kii Bishii labaad ee sanadkan, midaasi oo hor-seeday in xabsiga loo taxaabo wariyaha.

Ma jirro weli wax war ah oo kasoo baxaya dowladda oo ku aadan xariga Abuujaa, iyada oo maanta ay iska fogeysay in dowladdu, gaar ahaan Madaxtooyadu ay xiratay Wariye Gurbiye, oo isaguna hore u baahiyay inuu Madaxweyne Farmaajo uu isbitaalka Martiini ka qaatay Ventilator.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa iyadu badanaa lagu eedeyaa inay xarig aan loo meel dayin, isla markaana aan loo marin sifadii sharciga aheyd ay kula kacdo Suxufiyiinta ka howl-gala magaalada Muqdisho, midaasi oo baal-marsan xoriyatul qowlka dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this