Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo daah-furay barnaamij lacag lagu siinayo 1.3 milyan oo qof

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta daah-furay Barnaamij loogu magac daray Baxnaano, oo taakuleyn dhaqaale lagu siinayo qoysaska danyarta ah.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay madaxtooyada, barnaamijkan ayaa waxaa wajigiisa 1-aad ka faa’iideysanaya 1.3 Malyan oo ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee gudaha dalka.

Barnaamijka Baxnaano ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojineyso adeegyada dadweynaha ayaa laga hirgelinayaa 21 degmo oo ku yaal dalka iyo deegaannada hoostaga degmooyinkaas, iyada oo loo qoondeeyey dadkaas danyarta ah taakuleyn dhaqaale oo ah 4 Milyan oo doolar bishiiba.

Inkasta, oo aan laga bixin faah-faahin badan, haddana haddii sida dowladda ay sheegtay lacagta 4-ta milyan ah loogu talo-galay 1.3 milyan oo qof, waxaa midkiiba bishii kusoo aadeysa lacag qiyaastii 3 dollar oo kaliya ah.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Xukuumadda dadaalka ay ku bixisay xaqiijinta ballan-qaadkii ku aaddanaa dib u soo nooleynta adeegyada aas-aasiga ah ee dadweynaha iyo kor u qaadista fursadaha shaqo, heerka nololeed iyo dakhliga dalka.

Waxa uu tilmaamay in daah-furka barnaamijkan uu ku soo aaday xilli cudurka COVID-19 uu saameeyey nolasha iyo ganacsiga dadka Soomaaiyeed.

“Waxaa inoo diyaarsan Qorshaha Horumarinta Qaran ee 9-aad oo si faahfaahsan u qeexaya qorshaha aan ku wajahayno saboolnimada, cunta yarida, annagoo xoogga saareyna kor u qaadidda nolasha dadka u nugul xaaladaha deg-deg ah sida abaaraha, duufaannada, cudurrada iyo guud ahaan musiibooyinka dabiiciga ah ee ina soo food saara,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa faray Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshda oo hoggaamineysa Barnaamijka Baxnaano in si daah-furan oo hufnaan iyo cadaalad ah ay ku fuliso Barnaamijkan, iyada oo daryeelaysa qoysaskan danyarta ah ilaa ay ka gaarsiineyso heer isku filnaansho nololeed oo ay iskood u maareyn karaan nolashooda, si wejiyada xiga ee Barnaamijka Baxnaano loogu sii baahiyo Malaayiin kale oo ka mid ah shacabka.

Sidoo kale, Barnaamijkan waxaa qeyb ka ah taakuleyn dhaqaale oo lagu xoojinayo nolasha dadka beeralayda ah ee dalaggoodii uu galaaftay Ayaxii ku habsaday qaar ka mid ah deegaannada ay ka soo go’aan dalagyada dalka dhammaadkii sanadkii tagay 2019-kii. Dawladdu waxa ay maalgelin dhaqaale u sameynaysaa beeralayda si kor loogu qaado wax-soosaarka dalka.

IB0A2503.jpeg IB0A2526.jpeg Farmaajo-1.jpeg IB0A2537.jpeg IB0A2436.jpeg IB0A2429.jpeg IB0A2421.jpeg Farmaajo-2-1.jpeg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this