Sign in to follow this  
Deeq A.

Basaska Iskaga Kala Goosha Caasimada Hargeysa Oo Kordhiyey Qiimihii Lagu Raaco

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Basaska Ka Dhex Shaqeeya Caasimada Hargeysa Oo Qiimaha Lagu Raaco Kordhiyey Kadib Markii Xukuumadu Amartay In Kala Badh Ay Ka Dhigaan Tiradii Hore Ay U Qaadi Jireen Cudurka Coronavirus Awgeed.

Mid Ka mid ah dirawalad Basaska Yarayr ee Mini-Buska Loo Yaqaano Ayaa ii sheegay mar aan waydiiyey sababta keentay inay qiimaha lagu raaco baska ay kordhiyaan, ayaa tilmaamay in ay u kordhiyeen markii rakaabka raacayey laga yareeyey oo kala badh intii ay hore u qaadi jireen laga dhigay in aanay isku bixinayn in qiimihii hore ay dadka ka qaadaan.

Waxaana la arkayey Basaska oo dadka rakaabka ah ka qaadaya 3,000SLSH, Halkii uu markii hore ahaa 2,000SLSH.

Hase yeeshee ma jirto meel shacabka iyo iskaashatada ay ku kuleen oo la iskula ogolaaday in qiimaha Basaska la kordhiyo.

Maanta ayaa waxa si buuxda u dhaqan galay go’aankii guddida ka hortaga COVID19 ee ku wajahnaa daadiidka dadweynaha qaadka ee iskaga kala goosha gudaha magaalooyinka Somaliland, gaar ahaana Caasimada Hargeysa, waxaana la arkayey gaadiidkaasi oo qaadaya intii guddidu soo jeedisay.

93792444_10216842195154918_7567107286011 94215884_10216842195114917_3819142944611

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this