Sign in to follow this  
Deeq A.

Faaruuq oo fariin ku aadan Covid-19 u diray wariyeyaasha

Recommended Posts

Deeq A.   

Xoghayaha ururka suxufiyiinta qaranka Soomaaliyeed ee NOSOJ, Cumar Faaruuq Cismaan ayaa fariin ku aadan cudurka Coronavirus u diray wariyeyaasha Soomaaliyeed.

Cumar Faaruq ayaa ugu baaqay suxufiyiinta inay muujiyaan taxadar iyo feejignaan ah, si looga hortago faafitaanka cudurkaasi oo ah mid saf-mar ah.

Sidoo kale wuxuu kula taliyey wariyeyaasha Soomaaliyeed inay ka fakiraan bad-qabka naftooda, islamarkaana ay qaataan talooyinka caafimaadka.

Xoghayaha guud ee ururka suxufiyiinta qaranka Soomaaliyeed ee NOSOJ ayaa sidoo kale fariintaan ku sheegay in xarumaha warbaahinta looga baahan yahay inay yareeyaan isu-imaatinada, sida in dad lagu casuumo istuudiyaha, taas oo uu sheegay inay ka qeyb qaadaan karto faafitaanka cudurka halista badan ee Covid-19.

Faaruuq oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay in dowladda federaalka ka urur ahaan ay kala hadleen in doorkeeda loo daayo warbaahinta, si ay wariyeyaasha qeyb uga noqdaan barnaamijka wacyi-gelinta iyo ololaha lagula dagaalamayo xanuunka.

Ugu dambeyn wuxuu kula dardaarmay suxufiyiinta inay aysan ku xad-gudbin xogta qofka bukaanka ah, islamarkaana aan la soo bandhigin, si loo ilaaliyo sharaftiisa.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this