Deeq A. Posted April 18, 2020 Faah faaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil barqanimadii maanta askari ka tirsanaa ciidamada dowladda loogu geystay duleedka magaalada Muqdisho. Dilka oo ahaa mid qorsheysnaa ayaa ka dhacay xaafadda Tabeelaha Sheekh Ibraahim, iyadoona ay fuliyeen rag ku hubeysnaa bistoolado, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Carabow Cumar, iyadoo raggii ka dambeeyey toogashadaasi ay goobta isaga baxsadeen falka kadib. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ay gaareen goobta, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi. Al-Shabaab ayaa inta badan dilal qorsheysan u geysata askarta dowladda ay ku sugan gudaha iyo daafaha ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites