Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada DF oo howlgallo ka sameeyey Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya Galgaduud ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka, qeybta 21-aad ay howlgallo ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolkaasi.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa lagu soo qab-qabtay tiro dad ah, kuwaas oo haatan ku xiran xabsi ku yaalla degmada Balanbale ee gobolkaasi.

Saraakiisha horkaceysay baaritaanadaasi ayaa ujeedka howlgalladaan ku sheegay in lagu xaqiijinayey amniga degmadaasi iyo deegaanada hoos-yimaada.

Muddooyinkii dambe ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa xoojiyey dhaq dhaqaaqyada Milatari ee ay ka wadaan gobollada Mudug iyo Galgaduud.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this