Sign in to follow this  
Deeq A.

Villa Somalia oo ka hadashay dacwadda la sheegay inay ka gudbisay weriye Gurbiye

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay kiiska weriye Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo shan maalmood ku xiran magaalada Muqdisho, laguna eedeeyey inay amartay xarigiisa.

Gurbiye ayaa la xiray 14-kii April, maalin kadib markii uu bartiisa facebook kusoo qoray in madaxweyne Farmaajo “uu qaatey” ventilator (mashiinka neefta siiya sanbabada marka shaqada joojiyaan) oo loogu deeqay Isbitaal Martiini!

Qoraal kasoo baxay warbaahinta Goobjoog Media Group, oo Gurbiye uu agaasime ku xigeaan ka yahay ayaa lagu yiri “Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 14 April, 2020 si sharci-darro ah xabsi u dhigay Wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo ka tirsan Goobjoog Media Group.”

Goobjoog ayaa intaas ku dartay “Xafiiska Madaxweyne Farmaajo oo soo-saaray amarka lagu xiray Wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye ayaa si cad u baalmaray ilaalinta xuquuqda muwaaddinka Soomaaliyeed iyadoo xafiisku ku kacay fal ka hor-imaanaya dhawrista sharciga dalka u yaal islamarkaana cabburin u geystay Wariye Soomaaliyeed oo u adeegayey bulsho duruufo badan oo nololeed ay ku xeeran yihiin.”

Hase yeeshee Agaasimaha Warfaafinta Villa Somalia Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa qoraal uu u diray guddiga bad-baadinta suxufiyiinta ee CPJ ee fadhigiisu yahay dalka Mareykanka, waxa uu ku sheegay in madaxtooyada aysan wax dacwad ah ka gudbin weriye Gurbiye.

Cabdinuur ayaa sheegay in hay’adaha kale ee dalka ay u madax-banaan yihiin arrimahooda, wuxuuna diiday inuu intaas ka badan ka hadlo kiiska.

Warqad 15-kii April kasoo baxday Garsooraha Maxkamadda Gobolka Banaadir oo ahaa amar xabsi ku sii heyn ah ayaa waxaa Taliyaha Xabsiga Dhexe lagu wargeliyay inuu xabsiga ku sii haayo Wariyaha.

Warqadda Maxakmadda ayaa waxaa ku qoran in Weriye Cabdicasiis Axmed Gurbiye loo haysto qodobo ay ka mid yihiin qodobka 220-aad ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed oo dhigaya: Aflagaado sharafta iyo haybadda madaxweynaha; Qodoba 271-aad Xushmad darraynta madaxda dowladda dhaawcaysa Loona adeegsadey sawir-gacmeed iyo qodobo kale.

Haddii ay sax tahay sida Cadbinuur sheegay in Villa Somalia aysan dacwad ka gudbin weriyaha, waxaa is-weydiin mudan ma xeer-ilaalinta iskeed dacwad ugu soo oogtay weriye Gurbiye?

maxkama-.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this