Sign in to follow this  
Deeq A.

Agaasimihii Xafiiska Madaxweynaha Nigeria Oo U Dhintay Coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nigeria)-Madaxtooyadda dalka Nigeria ayaa shaacisay in Agaasimihii Shaqaalaha ee Madaxweynaha dalkaas Maxamadu Buhaari uu saacadihii lasoo dhaafay u geeriyooday Cudurka halista ah ee Coronavirus oo kusii faafaya Caalamka oo dhan.

Wakaalladda Wararka REUTERS ayaa qortay in Mallam Abba Kayaari oo ahaa Agaasimihii Shaqaalaha ee Xafiiska Madaxweyne Maxamadu Buhaari uu Cudurka COVID-19 uu ku dhacay bishii March 24-dii, iyadoo ugu dambeyn uu shalay ku geeriyooday.

Sidoo kale Mas’uulka ayaa waxaa ay da’diisu aheyd 70 sanno jir ah, isla markaana waxaa la sheegay inuu hore u qabay Cuduro kale, isagoo kamid ahaa dadka ugu awooda badan dalka Nigeria.

War qoraal ah oo boggiisa Twitter-ka uu kusoo qoray Afhayeenka Madaxtooyada Nigeria Garba Shehu ayaa waxaa uu ku sheegay in Agaasimihii shaqaalaha ee Xafiiska Madaxweyne Buhaari laga helay COVID 19, uuna dhintay xili la daaweynayay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this