Sign in to follow this  
Deeq A.

Wariye Gurbiye Oo U Xiran Xafiiska Madaxweyne Farmaajo Xilli Maxkamaddaha Dalku Ay Fasaxan Yihiin

Recommended Posts

Deeq A.   

Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 14 April, 2020 si sharci-darro ah xabsi u dhigay Wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo ka tirsan Goobjoog Media Group.

Xariga Wariye Gurbiye ayaan illaa hadda Xafiiska Madaxweynuhu u keenin caddeyn rasmi ah oo uu ku muteysan karo in meel looga dhaco xorriyaddiisa. Xarigga Gurbiye ayaa sidoo kale kusoo aaday xilli aysan dalka ka jirin maxkamado loo xukun tago maaddaama loo fasaxay cudurka Coronavirus dartiis.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhawaan xabsiyada ka fasaxay dad badan oo maxkamado ay ku xukumeen dambiyo kala geddisan isagoo xarig-fasaxa maxaabiista ku saleeyey cudurka saf-marka ah ee Coronavirus si qatartiisa loo dhimo waxaase nasiib-darro ah in Madaxweyne Farmaajo uu amar ku bixiyo in xabsigii uu maxaabiista ka fasaxay la dhigo Wariye Gurbiye oo aysan jirin maxkamad ku xugmisay xarig balse ay tahay ku tagri fal awoodeed skda ku cad amarka warqada lagu soo xiray. Eeg Lifaaqa.

Sharci-yaqaannada Goobjoog Media Group waxay sheegeen in haddiiba Wariye Cabdi-casiis Axmed Gurbiye uu dambi leeyahay ay tahay in dacwaddiisa lagu qaado Degmada uu deggan yahay ee Hodon oo ay sharci-darro tahay in loo gudbiyo maxkamadda Gobolka Banaadir sida ku cad xeerarka garsoorka Dalka.

Sidoo kale waxaa sharci-darro ah in amarka Wariye Gurbiye lagu xiray oo aan oollin Degmada laga wacay taasoo iyana sharciga baal-marsan. Qareenka u doodaya Wariye Gurbiye wuxuu u sheegay garsooraha Maxkamadda Gobolka Banaadir in xariga Wariye Gurbiye loo maray nidaam sharci-darro ah laakiin garsooruhu arrintaas wuu iska indha-tiray.

Xafiiska Madaxweyne Farmaajo oo soo-saaray amarka lagu xiray Wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye ayaa si cad u baalmaray ilaalinta xuquuqda muwaaddinka Soomaaliyeed iyadoo xafiisku ku kacay fal ka hor-imaanaya dhawrista sharciga dalka u yaal islamarkaana cabburin u geystay Wariye Soomaaliyeed oo u adeegayey bulsho duruufo badan oo nololeed ay ku xeeran yihiin.

Xafiiska Madaxweyne Farmaajo oo ah halka astaanta u ah ilaalinta sharciga dalka ayaa noqday goob laga soo abaabulo ujeeddooyin gurracan oo aan marnaba dan ugu jirin dal kasoo kabanaya burbur soddon sano jirsaday kaas oo markiisii horena ka dhashay caburin iyo ku xadgudub xuquuqda aadanaha.

Warbaahinta Goobjoog Media Group waxa ay cadeyneysaa “in sharcidaro iyo kaa-awoodbadni uu ku xiran yahay weriye Cabdicasiis Gurbiye ayna ayaan daro tahay in laantii Garsoorka Dalku ay noqotay xafiisyo u adeega Madaxweyne Farmaajo si uu u caburiyo xuquuqda muwaadinka garsoorka iyo cadaalada raadinayey nus qarni”.

Xarigga sharciga ka fog ee Wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye ayaa dhaliyey dood badan waxaana jira cambaareyn uga imaaneysa Madaxweynaha bulshada Soomaaliyeed qaybaheeda kala duwan. Hay’ado caalami ah iyo kuwo dalka gudihiisa ka dhisan ayaa codkooda ku biiriyey cambaareynta loo soo jeediyey Xafiiska Madaxweyne Farmaajo kaasoo xarig sharci-darro ah u geystay Wariye Cabdicasiis Gurbiye oo ka tirsan Goobjoog Media Group.

Hay’adda u doodda xuquuqda suxufiyiinta adduunka ee CPJ ayaa baaq ay u soo jeedisay Dowladda Soomaaliya uga codsatay in xabsiga laga fasaxo Wariye Gurbiye waxaana hadalkeedu u qornaa “Dowladda Soomaaliya waa inay sida ugu dhaqsiyaha badan oo shuruud la’aan ah u sii-deysaa Wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo ay ballanqaaddaa in saxaafaddu ay tebin karto kana hadli karto safmarka xannuunka COVID-19 iyadoo aan loo xabbisi karin ka hadalka arrimaha la xiriira cudurkan”

Dhanka  kale hay’ad iyana u doodda suxufiyiinta Soomaaliyeed oo lagu magacaabo SJS kana hadashay xarigga sharci-darrada ah ee xafiiska Madaxweyne Farmaajo u geystay Wariye Cabdi-casiis Axmed Gurbiye ayaa war ay arrintan ka soo-saartay ku tiri” SJS waxay hoosta ka xarriiqeysaa in xarigga Agaasime ku xigeenka Goobjoog Media Group qatar ku yahay xorriyadda dastuurku uu siiyey muwaaddinka inuu dareenkiisa cabbiro waxayna arrintani caqabad ku noqon kartaa in muwaaddiniintu helaan wararka muhiimka ah oo uu ka mid yahay COVID-19”

Hay’adda SJS ee u doodda saxafiyiinta Soomaaliyeed waxay sheegtay inay aad uga walaacsan tahay xarigga Wariye Gurbiye oo ka mid ahaa dadka sida joogtada ah uga warrami jiray cudurka COVID-19. Cabdalla Mumin oo ah xoghayaha SJS oo baaq u diray Dowladda Soomaaliya ayaa codsaday in si shuruud la’aan ah xariga looga fasaxo Wariye Gurbiye.

Guddoomiyaha FESOJ Abaadir Cabdulqaadir oo ka hadlay xarigga Wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye ayaa sheegay in xariggiisa aan loo marin sifo sharci ah isla markaana uu yahay qorshe la doonayo in lagu cabburiyo warbaahinta Soomaaliyeed iyo guud ahaan xorriyadda hadalka.

Guddoomiye Abaadir wuxuu sheegay in wariye Gurbiye uu aqoontiisa baaritaanno ku sameeyo islamarkaana soo bandhigay musuq ka dhex jira wasaaradaha Dowladda Soomaaliya taasina aysan ahayn arrin uu xabsi ku muteysan karo. Abaadir wuxuu intaas ku daray in tan iyo markii Madaxweyne Farmaajo uu xilka qabtay uu weerar ku hayey saxaafadda una kala qeybiyey laba koox oo uu midna laaluushay midna la dagaalo.

Guddoomiyaha hay’adda Tubta Nabadda Cabdullaahi Maxamed Shirwac oo ka mid ah dadka ka hadlay xarriga Xafiiska Madaxweyne Farmaajo u geystay Wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye ayaa sheegay in Cabdicasiis la soo eedeyn karo laakiin qaab sharci ah loo maro oo uusan ahayn qof dambiile ah.

Shirwac wuxuu sheegay in marka la dacweynayo saxafi ay qalad tahay in awood loo isticmaalo oo isagoo bannaanka jooga maxkamadda laga dacweeyo oo haddii dambi lagu helo ama lagu waayo maxkamadda lagu kala baxo laakiin qaabkan hadda lagu xiray ay tahay awooddii dalka oo lagu tagrifalay.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this