Sign in to follow this  
Deeq A.

Isu-socodka Gaadiidka Gobollada iyo Degmooyinka Puntland oo la mamnuucay

Recommended Posts

Deeq A.   
Bile-Faarax-Cali-Puntland-Post.png?w=100Taliye ku xigeenka Booliiska S/guuto Bile Faarax Cali

Taliska Ciidanka Booliiska Dowladda Puntland,  ayaa maanta oo Sabtiya mamnuucay dhammaan isu-socodka Gaadiidka u kala goosha Gobollada iyo Gegmooyinka Puntland, si looga gaashaanto faafidda xanuunka COVID-19.

Qoraal ka soo baxay Taliye ku xigeenka Booliiska Puntland Sarreeye Guuto Bile Faarax Cali, oo lagu socod-siiyay dhammaan Taliyaasha Qaybaha Booliiska Gobollada Puntland iyo shirkadaha Gaadiidleeyda, ayaa lagu sheegay in la mamnuucay isu-socodka Gaadiidka isaga goosha Gobollada iyo Degmooyinka Puntland.

Taliyaaasha Qaybaha Booliiska Gobollada Puntland, ayaa la faray in ay sida ugu dhaksaha badan u dhaqan-geliyaan Amarkaasi ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliiska ee lagu mamnuucay isu-socodka Gaadiidka Gobollada Puntland, si looga hortago faafidda Cudurka Coronavirus.

Sidoo kale, Taliyaasha Qaybaha ayaa lagu amray, in ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan cid kasta oo aan u hoggaansamin dhaqan-gelinta Amarkaas.

Booliiska.jpg?fit=1000%2C1333&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Isu-socodka Gaadiidka Gobollada iyo Degmooyinka Puntland oo la mamnuucay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this