Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo ciidan u adeegsaneyso xirida Masaajida ku yaal maamulkaasi

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – War ka soo baxay guddiga ka hortagga cudurka Covid-19 ee Puntland ayaa lagu faray ciidamada amniga inay awood ku dhaqan-geliyaan amarkii lagu joojiyey Salaadaha lagu tukado Jameecada ee maasijida maamulkaasi.

Guddiga ayaa sidoo kale amray laamaha amniga inay tallaabo sharciga waafaqsan ay ka qaadaan cid kasta oo u hoggaansami weysa dhaqan gelinta go’aankaaasi.

Sidoo kale guddiga ka hortagga Coronavirus ee Puntland ayaa qoraalkiisa ku micneeyey mid lagu dhowrayo badqabka dadka iskugu imaanaya masaajidada.

Puntland ayaa wada dadaallo ballaaran oo looga hortagayo cudurka faafa ee Coronavirus, kaas oo sameeyey wadamo badan oo ku yaalla caalamka.

Soomaaliya ayaa illaa iyo hadda xaqiijisay kiisas gaaraya 116 qof , kuwaas oo haatan lagu karantiilayo gudaha magaalada Muqdisho.

gudi.-1.jpg

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this