Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoonka BF iyo ma’suliyiin kale oo ka tacsiyeeyey geeridii Xildhibaan Aadan Moobleen

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka, Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa ka hadaly geeridii ku timid Xildhibaan Aadan Cali Xasan (Moobleeyn) oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Muudey ayaa qoraal uu soo saaray ugu tacsiyeeyey qoyska marxuumka iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed.

“Inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicun waxaan halkan tacsi tiiranyo leh uga dirayaa Xil.Aadan Cali Xasan (Adan Moobleen) oo saakay ku geeriyooday Magaaalada Muqdisho, Waxaan Allah uga baryayaa inuu unaxriisto Qabrigiisa u waasiciyo  jannatul firdowsa Allaha ka waraabiyo ehelka iyo dhamaan ummada soomaaliyeed samir iyo iimaan alaha kasiiyo.” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey.

Sidoo kale waxaa geerida ku timid Allaha u naxariistee xildhibaan Aadan Moobleen oo sidoo kale ahaa xoghayaha guddiga maaliyadda ee golaha shacabka ka tacsiyeeyey wasiirka wasaaradda warafaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Wasiirka ayaa tilmaamay inuu marxuumka si hagar la’aan ah ugu soo shaqeeyey Qarankiisa, isagoona Alle uga baryey inuu ka waraabiyo Jannadiisa Firdowso.

Ugu dambeyn Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, islamarkaana haatan ah Xildhibaan ka tirsana baarlamaanka ayaa ka hadlay geerida marxuumka, wuxuuna tacsi tiiraanyo leh u diray dhammaan dadka Soomaaliyeed.

“Waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh ugu soo gudbinayaa eheladii, qaraabadii iyo baarlammaanka Fedraalka ee Soomaaliya Allaha u naxariistee Marxuum Adan Cali Xasan oo xubin muhiim ah ka ahaa Golaha Shacabka ee baarlammaanka, Marxuumka Allaha u naxariisto, dhammaanteenne sammir iyo iimaan Allaha innaga siiyo.” ayuu yiri.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this