Deeq A. Posted April 18, 2020 Allaha u naxariistee waxaa goor dhow isbitaalka Yardimeli ee magaalada Muqdisho ku geeriyooday Xildhibaan Aadan Cali Xasan (Jamhuuriya) oo ka mid ahaa G/Shacabka. Geerida ku timid marxuumka ayaa waxaa Shabelle u xaqiijiyey xildhibaano ka tirsan baarlamaaanka federaalka Soomaaliya. Marxuumka ayaa maalmihii u dambeeyey ku xanuunsayayey gudaha magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Xildhibaan Jamhuuriya oo muddo ka tirsanaa Golaha Shacabka ayaa sidoo kale ahaa xoghayaha guddiga maaliyadda ee golahaasi View the full article Share this post Link to post Share on other sites