Deeq A. Posted April 18, 2020 War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warafaafinta dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu beeniyey warar shalay ay daabaceen wargeysyo ka soo baxa dalka Kenya, kuwaas oo ka dhan ahaa hay’adda nabad sugidda Soomaaliya. Qoraalka wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in wargeysyada The Star iyo Standard Media ee ka soo baxa Kenya ay daabaceen warar been abuur ah oo sumcadda looga dilayo hay’adda NISA iyo hay’adaha kale ee dowladda. Sidoo kale war-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ay ka go’an tahay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, wararka warbaahinta Kenya ay qorayaana ay yihiin kuwo ka dhan ah shaqada hay’adda NISA. Si kastaba ha’ahaatee shalay wargeysyada The Star iyo Standard Media oo aad looga daalacdo gudaha wadanka Kenya iyo Soomaaliya ayaa sheegay in hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA iyo Al-Shabaab uu ka dhexeeyo xiriir hoose. View the full article Share this post Link to post Share on other sites