Sign in to follow this  
Deeq A.

Suuqa Soomaalida ee Islii oo loo xirayo Coronavirus dartiis

Recommended Posts

Deeq A.   

Ururka ikaashatada ganacsatada ee xaafadda Soomaalida ay ku badan tahay ee Islii, magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ku dhawaaqay in la xirayo ganacsiga Soomaalida ee suuqaasi, tilaabadaasi oo qeyb ka ah aedaalada lagu xakameynayo cudurka Coronavirus.

Ganacsatada oo yeeshay kulan muuqaal ah ayaa isku raacay in muddo todobaad ah la joojiyo dhaqdhaqaaqa ganacsiga Soomaalida ee xaafadda Islii, si loo yareeyo khatarta uu ganacsatada Soomaalida ku yeelan karo cudurka COVID-19 oo dalka Kenya ka jira.

Xoghayaha ururka ganacsatada Soomaalida ee xaafadda Islii, Cumar Xuseen ayaa sheegay in suuqyada Soomaalida aysan sidii la rabay u raacin tilmaamaha caafimaad ee wasaaradda caafimaadka Kenya ay ka soo saareyso cudurka dilaaga ah, sidaas darteedna ay jirto suurta galnimo cudurka uu saameyn ugu yeelan karo dadka ganacsatada ee Soomaalida ah.

Si kastaba ha’ahaatee dalka Kenya oo Soomaali badan ay ku nool yihiin ayaa ka mid ah dalalka geeska Africa ee cudurka Coronavirus ka dilaacay, kaas oo weli fara ba’an ku haya wadamada badan oo ku yaalla caalamka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this