Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Ka Tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya Oo Geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

Allaha u naxariistee waxaa magaalada Muqdisho goor sii horeysay ku geeriyooday xildhibaan Aadan Xasan Cali oo ka tirsanaa baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa ku geeriooyday mid ka mid ah cisbitaalada ku yaalla magaalada Muqdisho waxaana maalmihii la soo dhaafay marxuumku uu si aad ah ugu xanuunsanayay Cisbitaalka Yardameeli oo ay maamulaan Turkida.

Qaar ka mid ah madaxda iyo siyaasiyin ayaa siyaabooyin isku mid ah uga tacsiyeeyay geeriada Allaha u naxariiste Marxuum Aadan Xasan Cali oo ka mid ahaa mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya.

Marxuum Aadan Xasan Cali ayaa sidoo kale waxa uu ahaa xoghayaha guddigga maaliya ee golaha shacabka, waxaana deegaan doorashadiisu tahay maamulka Hirshabeelle.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this