Sign in to follow this  
Deeq A.

Tirada dadka laga helay xanuunka COVID-19 ee Muqdisho oo korortay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Soomaaliya, ayaa shaacisay in shalay oo keliya xanuunka COVID-19 laga helay 36 bukaan oo ku sugan magaalada Muqdisho, kadib markii baaritaan lagu sameeyay dad gaaraya 47 qof.

Wasaaradda Caafimaadka iyo  Daryeelka Bulshada dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay in 27 kamid ah 36 bukaan ee shalay laga helay xanuunka ay rag yihiin, halka 9 kalena ay haween yihiin.

Sidoo kale, waxay sheegtay in 30 kamid ah bukaannada ay da’doodu u dhexayso 20 ilaa 39-sannadood, halka 5kamid ah ay da’doodu u dhexayso 40 ilaa 59, hal qof ayaa isna da’diisu ka weyn tahay 60-sannadood.

Wasaaradda Caafimaadka iyo  Daryeelka Bulshada, ayaa warbixinteeda ku xustay in haatan tirada guud ee dadka xanuunka laga helay ay gaartay 116 bukaan.

PUNTLAND POST

The post Tirada dadka laga helay xanuunka COVID-19 ee Muqdisho oo korortay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this