Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya oo Muqdisho ku geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaanno ka tirsan Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa xaqiijiyay geerida xildhibaan Aaden Xassan Cali (Aadan Moobleen), kaasi  oo maalmihii u dambeeyay ku xanuunsanayey isbitaal ku yaalla magaalada Muqdisho.

Marxuumka geeriyooday, ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku xanuunsanayey magaalada Muqdisho, waxaana xaaladdiisa caafimaad lagula tacaalayay isbitaalka Yardimeeli, Kadib markii uu haleelay xanuun dhanka kelyaha ah.

Sidoo kale, xildhibaanka ayaa horay ula xanuunsanaa cudurka Macaanka, waxaana uu maalmihii u dambeeyay ku jiray xaalad koomo ah, sida laga soo xigtay dhaqaatiirta isbitaalka.

Alle ha u naxariistee, xildhibaanku wuxuu kamid ahaa mudanayaasha Aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaaliya ee laga soo doorto magaalada Jowhar ee Hirshabeelle, waxa uu haatan ahaa Xoghayaha Guddiga Maaliyadda ee Baarlamanka.

PUNTLAND POST

The post Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya oo Muqdisho ku geeriyooday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this