Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan ka tirsanaa golaha shacabka oo ku geeriyooday Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa saaka gudaha magaalada Muqdisho ku geeriyooday Xildhibaan Aadan Cali Xasan (Jamhuuriya) oo ka tirsanaa mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanka oo maalmihii dambe xanuunsanayey ayaa ku geeriyooday isbitaalka Yardimeli, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka.

Marxuumka ayaa sidoo kale ahaa xoghayaha guddiga maaliyadda ee golaha Shacabka Soomaaliya.

Geeridiisa waxaa durbo ka tacsiyeeyey xubno ka tirsan dowladda federaalka, gaar ahaan wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo soo saaray qoraal kooban.

Ducaale ayaa dhammaan Ummadda Soomaaliyeed iyo Qoyska uga tacsiyeeyey geerida ku timid Xildhibaan Jamhuuriya.

Sidoo kale wasiirka ayaa Marxuumka Alla uga baryey inuu ka waraabiyo Jannadiisa Firdowso.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed, Eheladii iyo Qoyska uu ka geeriyooday wallaalkeen Xildhibaan Aadan Xasan Cali (Jamhuuriya).
Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii iyo Eheladii uu ka tegayna samir iyo iimaan ka siiyo.” wasiirka amniga ee xukuumadda Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this