Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbixin Xasaasiya:Qalabka neefta siinaya dadka sakaraadaya ayaan ka damiyaa+Sababta & Cida Amarka siisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Warbixin Naxdin leh:Qalabka neefta siinaya dadka sakaraadaya ayaan ka damiyaa+Sababta & Cida Amarka siisa

Nurse by a bed in a ICUDhakhaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha la tacaalaya bukaannada ay xaaladdoodu liidato waxay wajahayaan go’aanno adag – Sida marka ay daminayaan qalabka neefta siiya bukaannada aadka u sakaraadaya

In la helo qalabka neefshada caawiya waa farqiga u dhaxeeya nolosha iyo geerida ee dadka sida daran ula xanuunsan cudurka Covid-19.

Qalabkan oo afka qalaad lagu yiraahdo “Ventilator” wuxuu dadka siiyaa neefta oxygen-ka ee gasha sanbabbada – sidoo kalena wuxuu kasoo saaraa kaarboonka – taasoo ah mid aysan qalabkaas la’aantiis dadka xanuunsan sameyn karin.

Hase ahaatee mashiinnadan neefsashada ma wada badbaadin karaan dadka oo idil.

Shaqaalaha caafimaadka ee Adduunka waxay wajahayaan go’aanno adag oo mararka qaar ku khasbaya inay qalabkaas ka damiyaan dadka aysan xaaladdoodu soo fiicnaaneynin.

“In qofka sakaraadaya laga damiyo qalabkan waa xaalad murugo badan iyo xanuun leh. Mararka qaar waxaan dareemaa inaan si markii loo eego sabab u ahay geeridooda,” ayey tiri Juanita Nittla.

Waxay gabadhan madax u tahay kooxda kalkaaliyeyaasha ah ee ka shaqeeya qeybta bukaannada halista ah la dhigo (ICU) ee isbitaalka Royal Free ee magaalada London.

.Qalabka neefsashada caawiya wuxuu muhiim u yahay bukaannada sida aadka ah ula xanuunsan cudurka Covid-19

Nittla oo ku dhalatay Koonfurta Hindia, waxay Waaxda Qaran ee Adeegga Caafimaadka England u shaqeyneysay muddo 16 sano ah, waxayna ku takhasustay qeybta bukaannada halista ah la dhigo ee loo yaqaanno ICU-da.

“In la damiyo qalabka neefsashada waxay qeyb ka tahay shaqadeyda,” ayey tiri kalkaalisadan 42 jirka ah oo BBC-da u warrantay maalin ay fasax ahayd.

Hadalkii ugu dambeeyay

Intii lagu jiray isbuucii labaad ee bishan April, islamarkii ay Nittla shaqada tagtay subax aad u mashquul badan, madaxa qeybta ICU-da ayaa u sheegay in laga doonayo inay daweynta ka joojiso mid ka mid ah bukaannada qaba Covid-19.

Qofka bukaanka ah ee loo diray waxay noqotay kalkaaliso 50 iyo dhowr jir ah oo ka shaqeyn jirtay caafimaadka bulshada. Nittla waxay arrintan kala hadashay gabar ay dhashay haweeneyda bukaanka ah.

.Maadaama uu culeys badan keenay cudurkan safmarka ah, kalkaalisoyaasha ICU-da ee Nittla la mid ah way adagtahay inay nasasho helaan waqtiga shaqada

“Waxaan u xaqiijiyay in hooyadeed aysan wax xanuun ah dareemeynin ayna u muuqatay qof qanacsan. Waxaan sidoo kale ka codsaday inay hadalkii ugu dambeeyay ku dhahdo hooyadeed, waxyaabaha diiniga ahna ay sameysato.”

Sariiraha yaalla qeybta ICU-da way isku xigxigaan. Haweeneydan loo diray inay dawada ka joojiso waxaa ku hareereysan bukaanno kale oo kulligood miyir daboolan.

“Waxay ku jiiftay sariirta 8-aad. Dhammaan bukaannada kale aad bay u xanuunsanaayeen. Waxaan xiray daahii, dhammaan qalabkii qeyladhaantana waan damiyay”.

Shaqaalaha caafimaadka ayaa sidoo kale shaqada hakiyay xoogaa.

“Kalkaalisayaashii way wada aamusan. Sharafta iyo qanacsanaanta bukaannada waa mudnaanteenna koowaad,” ayey tiri Nittla.

Royal Free Hospital in LondonSi boosas dheeraad ah loogu helo tirada bukaannada ee xad dhaafka ah, isbitaallada qaarkood – sida Royal Free oo ku yaalla London waxay ballaariyeen qeybaha ICU-da

Kaddib waxay telefoonkii dhagta u saarta bukaanka waxayna gabadheeda ka codsatay inay hadasho.

“Aniga wuxuu ila ahaa telefoon lagu hadlayo kaliya laakiin waxay muhiimad weyn u lahayd qoyska. Waxay doonayeen wicitaan muuqaal ah, laakiin nasiib darro telefoonnada gacanta looma oggola gudaha qeybta ICU-da”.

Daminta

Kaddib markii la fuliyay codsiga qoyska, Nittla waxay muusig khaas ah ka daarta kumbuyuutar. Kaddibna waxay u dhaqaaqday inay bukaanka ka damiso qalabkii neefsashada.

“Dhinaceeda ayaan fariistay anigoo gacmaha ka haya ilaa inta ay nafta ka baxeysay,” ayey tiri.

Medical staff by a patient's bed in an ICU in BrazilBukaanno badan oo ku jira ICU-da waxay geeriyoodaan iyagoo kaligood ah, maadaama aan eheladooda loo oggoleyn inay halkaas ugu tagaan

Go’aanka ku saabsan in qalabka neefsashada iyo daweynta laga joojiyo bukaannada waxaa qaata koox dhakhaatiir ah oo waxyaabo badan tixgalisa. Inta aan tallaabadaas la qaadin waxaa la eegaa da’da bukaanka, xanuunnadii uu horay usii qabay, sida uu dawada uga falcelinayo iyo suurtagalnimada inuu qofku soo caafimaado.

Haweeneyda ay Nittla ka damisay qalabka neefsashada waxay ku geeriyootay muddo shan daqiiqo ah.

Dhimasho kalinimo ah

Kaddib waxay ka wada bixisay faleebooyinkii dawooyinka lagu siinayay.

Ambulance with a patient in London

Gabadha ay dhashay bukaanka geeriyootay iyadoo aan ka warqabin waxa isbaddalay ayey wali kusii hadleysay telefoonka wayna u duceyneysay. Nittla oo aad u calool xumooneysa ayaa gacankii telefoonka qabatay, waxayna u sheegtay in howshu ay dhammaatay.

Kalkaaliso ahaan, waxay sheegtay inaysan howsheeda daryeelka ah istaageynin marka uu bukaanku geeriyoodo.

“Anigoo ay kalkaaliso kale i caawineyso ayaan meydkeeda sariirta ku dhaqay waxaana ku xiray kafan, kaddibna waxaan ku xiray bacda meydadka,” ayey ku tiri BBC-da.

Ka hor inta uusan imaamin cudurka coronavirus, dadka ehelada u ah bukaanka waxay si fool ka fool ah dhakhaatiirta ugala hadli jireen arrinta ku saabsan ka joojinta dawada.

Qaraabada dhow ayaa sidoo kale loo oggolaan jiray inay ICU-da ku sugnaadaan marka bukaannada laga daminayo qalabka nolosha ku caawinaya.

Laakiin hadda qorshahaas kama socdo meelo badan oo ka mid ah caalamka.

Nurses in protective equipment before the start of the shiftNittla waxay sheegtay in kalkaaliyayaasha marka ay shaqada soo galayaan ay kulmaan ayna isu rajeeyaan caafimaad

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this