Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaalida ku nool DALKA FINLAND oo ka walaacsan warar dhowaan laga faafiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Helsinki (Caasimada Online) – Soomaalida dalka Finland ayaa walaac ka muujiyey warbixino sheegaya in heerka faafitaanka cudurka Coronavirus uu aad ugu sarreeyo marka loo eego bulshooyinka kale ee dalkaas.

Magaalada Helsinki ayaa Talaadadii sheegtay in tirada Soomaalida cudurka laga helay ay gaartay 200 oo qof, taasi oo ka dhigan in 1.8% dhammaan Soomaalida ku nool magaalada uu ku dhacay cuduruka.

Marka lala bar-bardhigo, heerka faafitaanka cudurka ee dadka kale ee magaalada ayaa ah kaliya 0.2%.

Hase yeeshee Maxamed Cali Jaamac, oo ah guddoomiyaha ururka Finnish Somali League ayaa ayaa sheegay in Soomaalida ay ka walaacsan yihiin in si gooni ah loo calaamadeynayo marka ay noqoto faafitaanka cudurka, sida uu weriyey wargeyska Helsinki Times.

“Bulshada Soomaalida waa midda saddexaad ee loogu takoor badan yahay Yurub,” ayuu ku yiri wareysi lala yeeshay.

“Waxaa jira walaac ah in warka kasoo baxay maamulka magaalada Helsinki uu sii adkeyn karo nolosheena.”

Maxamed ayaa sheegay in Soomaalida ay door-bidin lahaayeen in mar kale baaritaan lagu sameeyo sababta badisay kiisaska cudurka ee Soomaalida, ka hor inta aan warbixinta la shaacin.

Magaalada Helsinki ayaa waxaa laga diiwaan geliyey 2,133 oo kiis oo cudurka COVID-19 ah, taasi oo ah in ka badan kala bar tirada guud ee gobolka Uusimaa, oo ay ka tirsan tahay, sida uu sheegay Machadka Caafimaadka ee Finland.

Ka sokow Helsinki, magaalooyin kale oo ka mid ah kuwa Yurub oo Soomaalida ay ku badan tahay sida London iyo Stockholm ayaa laga weriyey in kiisaska cudurka ee Soomaalida ay aad u badan yihiin, waxaana mid ka mid ah sababaha lagu sheegay, Soomaalida oo ah bulsha aad isugu xiran oo isu-imaatinkoodu badan yahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this