Sign in to follow this  
Deeq A.

Howlgal laga fuliyey sohdinta Soomaaliya iyo Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (SMN) – Wararka ka imaanaya xadka Soomaliya uu la wadaago Kenya ayaa ku waramaya in saacadihii la soo dhaafay Ciidanka Kenya ee sida gaarka ah u tababar in ay howlgalo ay ka sameeyeen halkaasi.

Howlgalkan oo ay wadeen ciidanka Kenya ee loo yaqaan Anti-Terror ayaa la sheegay in ujeedkiisu ahaa sugida nabadgalyadda deegaano dhaca xadka ay wadaagan dalalka Soomaliy iyo Kenya, sababo la xariira cabsi Kenya ay ka qabto weeraro Al-Shabab ay ka fuliyaan qeybo ka mid ah gudaha dalkaasi.

Intii uu socday howlgalka oo ahaa mid qorsheysnaa ayaa la sheegay inuu saameyn ku reebay ganacsiga iyo isu’socodka shacabka reer miyiga ah ee inta badan isaga kala goosha degaanada dhaca xadka labada wadan.

Tirro ka dhowr jeer ayay ciidanka Kenya ee loo yaqaan Argagixisa la dirirka ama Anti-Terror waxa ay howlgal nuucaan oo kale ah ka sameeyeen Lipooya Kenya iyo Sidoo kale deegaano dhowr ah oo muhiim u ah isu’socodka gaadiidka iyo shacabka ee xadka dhaca labada dal.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this