Sign in to follow this  
Deeq A.

Amar ka soo baxay Puntland si looga hortago COVID-19 oo dhaqan-geli waayay

Recommended Posts

Deeq A.   
CAWIL-XAAMUD.jpg?w=1000&ssl=1Wasiirka Caddaalada Puntland Cawil Sheikh Xaamud

Culimaa’udiinka maamula masaajidda ku yaalla degaannada Puntland, ayaan maanta oo jimce ah u hoggaansamin, dhaqan-gelinta amar ka soo baxay dowladda Puntland, oo lagu joojiyay salaadaha Jameecada iyo jimceyaasha,  si looga hortago faafidda xanuunka COVID-19.

Go’aanka xukuumadda Puntland oo soo baxay 15-kii bishaan April 2020, ayaa lagu joojiyay dhammaan salaadaha jameecada iyo jimceyaasha masaajidda degaannada Puntland, si looga gaashaanto faafidda cudurka Coronavirus.

Maanta oo ku beegan Jimcihii u horreeyay, ee la doonayay in la dhaqan-geliyo amarkaasi dowladda, waxa ka biya-diiday culimaa’udiinka masaajidda, kuwaasi oo si isku mid ah salaadda jimce uga oogay masaajidda kala duwan ee ku yaalla Puntland.

Qaar kamid ah culimada masaajidda, oo jimcihii maanta ka hadlay sida ay u arkaan go’aanka dowladda, ayaa sheegay in aysan u hoggaansami doonin amarkaas, ilaa kiisaska u horreeya COVID-19 laga helo gudaha Puntland.

PUNTLAND POST

The post Amar ka soo baxay Puntland si looga hortago COVID-19 oo dhaqan-geli waayay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this