Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo amar cusub duldhigtay Shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (SMN) – Puntland ayaan wali ka dhaqan galin awaamiirta gufdiga wacyi galinta iyo ka hortaga covid 19 oo ku aadan joojinta Qaadka.

Magaalooyinka ayaa si caadi ah loogu iibinayaa, iyadoo dadku aysan dhag jalaq u siinin amarada maamulka iyo guddiga intuba.

Inkastoo wali Puntland aan lagasoo sheegin xaalad la xiriirta Coronavirus ayaa hadana guddiga wacyi galinta waxa uu si aad ah u adkeeyay amarada ku aadan in deegaanada Puntland aan lagu iibin Karin wax qaad ah oo gabi ahaamba la mamnuucay in lasoo galiyo magaalooyinka Puntland

War kasoo baxay kulan ay yeesheen guddiga wacyi galinta Puntland ayaa lagu sheegay in tilaabo waafaqsan sharciga laga qaadi doono cid kasta oo ku xad gudubta awaamiirta maamulka ee la xiriira mamnuucida Qaadka.

Wasiirka waxbarashada muumulka Puntland, Cabdullaahi Maxamed Xasan, ayaa sheegay in si dhow ay ula socdaan xaalada maciishada quudul daruuriga noocyadeeda kala duwan, isagoo tilmaamay in ay ka shaqeyn doonan sidii looga hortagi lahaa in marxalada lagu jiro ay sababto qiima koror ku yimaada maciishada.

Mr Xasan oo akhriyay warka kasoo baxay guddiga wacyi galinta iyo ka hortagga Covid-19 ee Puntland ayaa ugu baaqay dadka reer Puntland in ay u dhaga nuglaadaan awaamiirta dowladda oo aysan baalmarin taasi oo ay ku jirto maslaxadooda, sidda uu hadalka u dhigay.

Puntland ayaa dadaal dheeraad ah ugu jirtay sidii deegaanadeeda ay uga xakameyn lahayd faafida caabuqa Coronavirus oo kiisas la xiriira laga helay magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo iyo waliba deegaanada maamulka Somaliland.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this