Sign in to follow this  
Deeq A.

Dab qabsaday suuqa degmada Baladxaawo

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledxaawo (SMN) – Dab khasaaro hantiyadeed sababay ayaa qabsaday suuqa degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo, sidda ay sheegeen goobjoogeyaal.

Wallow aan la ogeyn waxa sababay, dabka wuxuu si gaar ah u saameeyay bakhaaro lagu keydiyo raashiinka noocyadiisa kala duwan.

Qaar kamid ah ganacsatadii maalkooda uu cagta mariyey dabkaas ayaa muujiyey dareen murugo, wallow ay ALLE waydiisteen bedel wanaagsan.

Mas’uuliyiin iyo sarakaiil uu horkacayo Cusmaan Nuur Xaaji Macalimuu, gudoomiye ku xigeenka gobolka Gedo, ayaa tegay suuqa.

Saacadihii lasoo dhaafay qaybo kamid ah Gedo waxaa ka da’ay roobab xoogan, waxaana dabkaan la sheegay in uu ka dhashay Koronto, wallow aan la hubin.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this