Deeq A. Posted April 17, 2020 Boosaaso (SMN) – Ciidamada ammaanka Puntland ayaa lagu waramay in ay Qaad badan ku gubeen Boosaaso, magaala madaxda gobolka Bari. Saraakiisha ayaa sheegay in Qaadkaas uu yahay mid si dhuumaaleysi ah lagu soo geliyey magaaladda, maadaama la mamnuucay. Ganacsatada Qaadka ayay uga digeen in ay jebiyeen amarka lagu joojiyey Qaadka maadaama laga fekerayo caafimaadka dadweynaha. Howlgaladda ay ku baadigoobayaan Qaadka sharci daradda ah ayay daboolka ka qaadeen in ay xoojin doonan, maalmaha soo aadan. Puntland ayaa kamid ah maamulada Soomaaliya ee hakiyey ka ganacsiga Qaadka, maadaama uu ka qeyb-qaato faafitaanka Coronavirus. View the full article Share this post Link to post Share on other sites