Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah-faahin ku saabsan askari ka tirsan ciidamada DF oo xalay lagu dilay Guriceel

Recommended Posts

Deeq A.   

Guriceel (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeri ah ayaa kasoo baxeysa askari ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya oo xalay lagu dilay magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Dilkan ayaa la sheegay inuu ka dhashay kala shaki dhex-maray laba ciidan. Askariga ayaa lagu dilay afaafka hore Hotel Badar ee Magaalada Guriceel, ka dib markii askar ku sugneyd ilinka hotelkaasi, ay rasaas oodda kaga qaadeen gaari uu la socday askarigaasi.

Wararka ayaa sheegaya in askarta rasaasta furtay ay ka shakisay gaariga uu saarnaa askari geeriyooday, oo aynaan horey macluumaadkiisa u haynin.

Hotelkan ayaa waxaa gelinkii dambe ee Khamiistii la dejiyay wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid, waxaana ku wehlinaya Xildhibaano iyo Saraakiil ciidan.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in askarigaasi uu xilligaa ka yimid hoy ku yaala Magaalada Guriceel, oo la qorsheeyay in la dejiyo wafdiga Madaxweyne Kuxigeenka, qaybtood.

Wararka sheegaya in xabsiga loo taxaabay askartii falkaasi ka dambeysay, inkastoo aynaan dhacdadan ka hadlin Saraakiisha Ciidamada iyo Maamulka Degmada Guriceel.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this